Xiisad ka taagan dooxooyin u dhaw Garowe iyo Puntland oo amar ka soo saartay

0

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hadashay muran waayahaan ka taagnaa dhul dooxo ah oo lagu magacaabo Bixin iyo Woow , kaas oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Wasiirro ka tirsan Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa si adag uga hadlay xiisad ka taagan dooxooyinka Bixin iyo Woow oo muddooyinkii dambe muran xoog leh uu ka taagnaa.

Dad u badan reer Miyi ayaa waayahaan isku heystay milkiyadda dhulkaas.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal, wasiirka amniga iyo wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in dooxooyinkaas ay horay madaxda Puntland u caddeeysay inay yihiin dhul daaqsimeed aan la deegaamaysan karin.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa caddeeyey in tallaabo laga qaadi doono ciddii isku dayda inay deegaamaystaan dooxooyinkaas, isla markaana aysan cid gaar ah sheegan karin.

Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amar ku bixiyay in la burburiyo dhammaan dhismayasha laga samaystay dooxooyinka Bixin iyo Woow oo dhaca duleedka waqooyi ee magaalada Garowe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.