Dhismihii ku socday laamiga oo gaaray Afgooye

0

Dhismaha ku socda wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa hadda gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhismaha laamigaas oo socday mudo ku dhaw sanad ayaa shaqaalaha ku howlan waxaa soo wajahay qabado ammaan oo adag, waxayna dhowr jeer weerarro kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.

Waxaa maanta kormeer ku tegay halka uu marayo dhismaha laamigaas guddoomiyaha degmada Afgooye iyo saraakiilsha ciidamada ee ku sugan halkaas.

Laamigaan ayaa laga bilaabay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu ku egyahay degmada Afgooye.

Dhismaha Laamiga Wadada Wado
Dhismaha Laamiga Wadada Wado
Wado Wadada Dhismaha Laamiga
Wado Wadada Dhismaha Laamiga

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.