Ciidanka xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan SH/Dhexe

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaano hoostaga degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay iska hor imaadyo kooban kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab, intii ay socdeen howl-gallada.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha hadashay ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay nolosha kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay la wareegeen deegaano horleh.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda waxay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.