Xisbiga Madaxweynaha Finusweela oo ku guulaystay doorasho mucaaradku diiday

0

Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynaha dalka Finuswela Niklos Maduuro ayaa la sheegay inay ku guulaystay doorashadii baarlamaaniga aheyd ee ka dhacday dalkaas, taas oo ay diideen mucaaradku.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in xisbiga talada haya uu helay 80% kuraasta baarlamaanka halka xisbiga ay bahwadaagta yihiinna uu helay wax ka badan 60% taas oo ka dhigan inuu hadda ku guulaystay madaxweynuhu codad aqlabiyad leh.

Guddiga doorashadu waxay sheegeen in guusha xisbiga talada haya ay ka dhigantahay in madaxweyne Niklos Maduuro xafiiska sii joogi doono.

Xisbiyada mucaaradka oo uu ugu horeeyo hogaamiyaha la yiraahdo Juwaan Guwaydo ayaa qaadacay doorashadaan waxaana ay sheegeen in lagu shubtay.

Dhawr dawladood oo Maraykanku ka mid yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka Finuswela waxay u aqoonsanyihiin hogaamiyaha mucaaradka ah ee Juwaan Guwaydo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.