Masuul caawa lagu dilay Beledweyne iyo howlgallo culus oo ka socda

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dil caawa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan loogu geystay guddoomiye ku xigeenkii mid kamid ah xaafadaha maagaladaas.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay  xaafada Buundaweyn ee magaalada Beledweyne, waxaana loo geystay guddoomiye ku xigeenkii xafadaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Muxumed, kuna magac dheraa(Kuukaay Dheer).

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay masjid uu saladii maqrib caawa ku dukaday, waxaana durba goobta ka baxsaday kooxdii weerarkaan ka dambeysay oo ku hubeysneed bastoolado.

Ciidamada amniga oo goobta dilku ka dhacay gaaray, waxayna ka bilaabeen baaritaano, taas oo lagu soo qabtay dhalinyaro badan, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha booliska Magaalada Beledweyne.

Illaa hadda waxaa la soo sheegayaa in dhowr xaafadood oo ka tirsan maagalada Beledweyne ay ka socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka, kuwaas oo lagu baacsanayo raggii ka dambeeyey dilkaas.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.