Ciidamada DF Itoobiya oo magaalo muhiim ah ka qabsaday TPLF

0

Warbaahinta ay maamusho dowladda Itoobiya ayaa ku warrantay in ciidammada dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla koonfurta gobolka Tigray halkaas oo uu dagaalka ka socdo.

Labo toddobaad ka hor ayay aheyd markii magaaladan ay weerar kasoo qaadeen dagaalyahanada TPLF.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay qabsadeen magaalada Alamata- oo dhacda gudaha Tigray kaddib markii ay isaga baxeen xooggaga TPLF.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin TPLF oo ku aadan arrintani, inkasta oo weli TPLF ay gacanta ku heyso caasimadda Mekelle.

Dagaal ayaa todobaadkii hore dhex maray ciidamada dawladda Itoobiya iyo ciidamo daacad u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray – TPLF.

Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia (Debretsion Gebremichael) uu xaqiijiyay in ciidamada Tigray ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Asmara ee Eriteriya.

Dhacdadaani ayaa waxay sare u sii qaadeeysaa xisaadda colaadeed ee u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigray ee TPLF.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.