Afar dowladood oo lacagta ugu badan ku bixinaya doorashada Soomaaliya

0

Olalaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa si weyn uga socdo wadamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowladaha qaar ay lacag ku  bixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay ku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah.

Siyaasiinta ayaa ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya, waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo dirsadeen wakiilo la kulama madaxda Qaranka.

Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doolar ah Soomaaliya gelinayaan si ay Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii aysan qorshahooda koowaad ku guuleysan.

“Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan, labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yiri Nuur Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah.

“Muqdisho wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen.

Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu guuleestaan doorashada Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.