Saraakiil ka socota Kenya oo maanta ku wajahan Ceelwaaq iyo wararkii u dambeeyey

0

Waxaa maanta degmada Ceelwaaq lagu wadaa in ay soo gaaraan saraakiil ka socota ciidamada Kenya, kuwaas oo halkaasi kullan gaar ah kula qaadan doono saraakiisha ciidamada Jubaland.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadli doona iskaashiga dhinaca ammaanka ah iyo sidii laga isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin ka trsan Jubbaland.

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa inta badan waxay dhibaatooyin isugu jira dil iyo afduub u geystaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Weli wax xal ah Soomaaliya iyo Kenya kama gaarin dadka shacabka ah ee ciidamada Kenya ay dilka iyo afduubka kula kacaan kolkii ay doonaan, waxayna saraakiil ka tirsan Jubbaland noo sheegeen inay arrimahaas kala hadli doonaan saraakiisha Kenya ee maanta soo gaareysa Ceelwaaq.

Saacadihii u dambeeyey Kenya ayaa dib xorriyadooda u siisay seddax qof oo ka mid ahaa dadkii dhawaan ay ciidamada Kenya ka afduubteen deegaano hoos taga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Kenya ayaa seddaxdaas qof ku wareejisay guddigii dhawaan loo xilsaaray baaritaanka arrintaas ee ka socday maamulka Jubbaland.

Sidoo  kale waxaa weli gacanta ciidamada Kenya ku jira illaa afar qof oo kale, kuwaas oo ay ka afduubteen deegaanka Konton oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana socda dadaalo lagu soo deynayo dadkaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.