Dagaal culus oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo khasaare ka dhashay

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya xubno ka tirsan Al-Shabaab dhexdooda uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Biyamaalow ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoona la sheegay in dagaalka uu mudo saacad ah uu ka socday deegaankaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay  kadib markii mid ka mid ah saraakiisha amniga Al-shabaab ee loo yaqaano Jabhada ay garaaceen ciidanka Xisbada, xili uu la socoday qof haweyn ah, ayagoona ku eedeeyey in uu anshax xumo ku dhaqaaqay, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale noo sheegay inuu ka dhashay khasaaro soo gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Biyamaalow ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana laga baqayaa in mar kale ay dagaalamaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.