Madaxweynaha Faransiiska oo u gefay diinta Islaamka

0

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa difaacay nidaamka cilmaaniga oo ay ku dhaqmaan dalal badan oo caalamka kamid ah, isagoona dhanka kale weeraray diinta Islaamka, oo uu ku tilmaamay mid aan la jaan qaadi karin dunidan casriga ah.

Madaxwayne Macron ayaa ku dhawaaqay qorshayaal uu doonayo in uu ku xakameeyo diinta islaamka, iyadoona wadankaasi ay ku sugan yihiin muslimiin badan.

Diinta Islaamka ayuu sheegay madaxwaynaha Faransiiska in ay dhib xoogan ku heeso caalamka, sigaar ah wadanka Faransiiska, uuna doonayo in uu xakameeyo.

Muslimiinta Faransiika ayaa lagu qiyaasaa illaa lix milyan oo ruux, kuwaas oo haatan wajahaya xaalad cabsi ah.

Dadka ka hadlay warka kasoo yeeray madaxwaynaha Faransiiska waxa ay ku sheegeen in uu qarsan waayay carada iyo nacaybka uu u hayo diinta Islaamka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.