Faah-faahino ka soo baxaya weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Baardheere

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in dagaal culus uu ka dhacay gudaha saldhigga, kadib markii xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ay gudaha u galeen xerada.

Saldhigga ay weerareen Al-Shabaab ayaa ku yaalla garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere, waxaana heysta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya, sidoo kale qeybo ka mid ah waxaa la sheegay inay daganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay, in dagaalkaas oo socday ku dhawaad saacad ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, in kastoo aysan shaacin khasaare rasmi ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada Itoobiya weerarkaas kadib ay dhowr jiho u rideen madaafiic, welina lama soo warin khasaare ka dhashay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.