Kulan wadajir ah oo u furmay BF iyo Mowliid Guhaad oo jeediyey khudbad xasaasi ah

0

Waxaa goor dhaw xarunta Villa Hargeysa ka furmay kulan wadajir ah oo ay leeyihiin xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxuuna kooramku ku furmay 255 mudane.

Ugu horeyn waxaa kulankaas khudbad ka jeediyey guddoomiye ku xigeenka labaad golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Mowliid Gohaad, taas oo uu uga hadlayey xaalado ka taagan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

“Weerarro toos ah iyo kufsi ayey ciidamada Kenya ka geysteen gobolka Gedo, dad badan ayey dileen, dowladeena waxa ay sameysay dulqaad ku aaddan derisnimada, balse Kenya ma aysan dhowrin intaasi” ayuu yiri Senator Mowliid oo ah guddoomiye ku xigeenbka labaad ee golaha Aqalka Sare.

Waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ee AMISOM qeybta ka ah iyo kuwa aan ku jirinba ay si joogto ah u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Gedo.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamada Kenya ay god ku rideen dad Soomaaliyeed oo ay ku dileen Gedo, halka kuwa kalena aan nolol iyo geeri toona lagu heyn.

Ugu dambeyntii guddoomiye Guhaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo jawaab waafi ah oo ku aadan gabood-fallada ay geysanayaan ciidamada Kenya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.