Maxaa ka soo baxay kulankii Afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran iyo agaasimaha NISA Fahad Yaasiin?

0

Afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran, horayna u soo noqday safiirkii Soomaaliya ee Suudaan iyo Agaasime ku xigeenkii madaxtooyada Soomaaliya Liibaan Shoorle ayaa kulan gaar ah la yeeshay Fahad Yaasiin.

Kulanka afhayeenka Madasha iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa ka dhacay xarunta dhexe ee hey’adda NISA, waxaana codsiga kulanka lahaa Liibaan Shoorle oo ah afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Warar hoose ayaa sheegaya in afhayeenka Madasha uu Fahad Yaasiin ka codsaday in loo magacaabo agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegay in uu ka tagay agaasimihii hore Dr. Fuursade.

Liibaan Shoorle ayaa la sheegay in uu Fahad Yaasiin ka ballan-qaaday in afhayeenka Madasha uu iska casili doono haddii loo ballan-qaado xilkaas.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ku gacan-seeray dalabkaas uga yimid afhayeenka Madasha Liibaan Shoorle, sida ay noo sheegeen xubnaha noo waramay.

Afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran Liibaan Shoorle ayaa lagu soo waramayaa in uu mar kale dalbaday in uu la kulmo Fahad Yaasiin oo galaangal xoogan ku leh hoggaanka dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.