Ciidanka ilaalada shacabka ee NISA oo la hoos geeyay hoggaanka daba-galka siyaasiyiinta

0

Saraakiil sare oo ka tirsan hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa noo sheegay in ciidanka ilaalada shacabka loo yaqaano ee hoos taga NISA lahoos geeyay Taliyaha cusub ee loo magacaabay hoggaanka dabagalka siyaasiyiinta ee NISA.

Saraakiishan oo diiday in magacooda aan shaacino ayaa sheegay in ciidanka ilaalada shacabka la hoos geeyay Col Cabdullahi Dheere oo ah nin uu madaxweyne Farmaajo u xilsaaray shaqada dabagalka iyo la socdka dhaq-dhaqaaqyada siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Saraakiishan ayaa sheegay in nidaamkan uu yahay mid ku cusub hey’adda, isla markaana ciidamadan ay u howlgalayaan sidii maleeshiyaadkii,iyagoo ku hubeysan qoryaha fudud, sida bastoolad iyo AK-47.

Arintaan ayaa keeni karta shirqoolo ay sameeyaan ciidanka loo yaqaano Ilaalada Shacabka in loo saariyo Al-shabab, maadaama aan la kala saari karin.

Taliyaha hoggaamiya howlgalka dabagalka siyaasiyiinta ayey saraakiishu noo sheegeen in uu yahay ninka labaad ee sida aadka ah ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku aaminay howshaan.

Teliyahan ayaa la sheegay in uu heesto dhalasho Qarian ah kasoo jeedaa kelinka shanaad ee Soomalidu degto.

Lama oga xiligan waxa kusoo beegay dhismaha hoggaankan loo magacaabay dabagalka siyaasiyiinta, hasa yeeshee dadka amniga ka faalooda ayaa aaminsan in la doonayo in lagu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxda dowladda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.