Madaxdii amniga dibadda Al-Shabaab iyo Abuu Sufyaan oo Jilib lagu dilay

0

Wararka naga soo gaaraya  gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay duqeymo ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolkaas.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana xubnahasi ka mid ah kuwa la weeraray  Madaxii amniga dibadda dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kaas oo la beegsaday xilli uu shir kasoo baxay, safarna u ahaa deegaano hoos taga degmada Jilib.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in duqeynta ay dhacday wax yar un kadib markii uu soo dhamaaday shir looga hadlayay  amniga oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Sarkaal sare oo lagu magacaabo Abu Sufiyaan lagu dilay weerarka, kaasi oo ahaa  Madaxii Amniga Dibadda kooxda Al-Shabaab

Lama oga wadanka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay duqeyntaas, sidoo kale ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha noo warantay oo xaqiijisay geerida saraakiishan la sheegay in lagu khaarajiyey Jilib.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.