Xog: DF oo masuul u magacaawday hoggaanka koox daba-gal ku sameysa siyaasiyiinta mucaaradka

0

Xog hoose oo aan ka helnay saraakiil sare kana tirsan hey’adda NISA ayaa sheegaysa, in agaasimaha NISA Fahad Yasin uu dhisay hoggaan cusub oo qabilsanan doona dabagalka siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xogtu waxay sheegeysaa in sarkaalka loo magacaabay hogaanka howshaas uu ka soo jeedo kelinka shanaad ee dowlad deeganka Soomaalida, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Dheere.

Sarkaalkaas oo sida la sheegay aad ugu dhaw Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ayaa mar ka soo tirsanaa jiray Al-Shabaab, sida ay noo sheegeen xubnahan ka tirsan hey’adda ee noo waramay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in khilaaf culus oo hey’adda dhexdeeda ah uu ka taaganyahay magacaabista sarkaalkaan.

Xubnaha noo waramay waxay sheegeen in amarka lagu dhisay hoggaanka daba-galka siyaasiyiinta mucaaradka ah uu ka yimid dhanka madaxweynaha.

Arrintaan waxaa la sheegay in miisaaniyad xoog leh ay ku bixineyso dowladda Qatar, isla markaana la isla gartay in awood buuxda la siiyo kooxda loo xil saarayo arrintan.

Qorshaha ayaa umuuqda mid lagu cabsi galiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxda dowladda federaalka, oo xusul duub ugu jirta inay Farmajo kula loolamaan doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo dabayaaqada sanadkan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.