Duqeymo lagu dilay saraakiil iyo dagaalamayaal Shabaab ah oo ka dhacay Jubbooyinka
Wararka ka imaanaya degmooyinka Jilib iyo Jamaame oo dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Duqeynta oo ka dhacday degmada Jilib ayaa lagu soo waramayaa in lagu Diley hoggaamiyihii dDegmada Jilib Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab .
Saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqeynta ayaa la sheegay in uu shir uga socday goobta lagu duqeeyay.
Saraakiil ka gaabsadey magacyadooda ayaa sheegey in ay 12 sarkaal iyo hogaamiyihii degmada Jilib oo goob kuwada sugnaa lagu dilay duqeynta, waxaana uu intaa ku darey in howlgalku fuliyeen kumaandooska Soomaaliya oo kaashanayey mid kamid ah saaxiibada Soomaaliya.
Gobolka Jubada hoose degmada Jamaame ayaa lagu soo waramayaa in la duqeeyay xarun Al shabaab ay ku leeyihiin degmadaas.
Dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaasheeda ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayso dagaalamayaasha Al-shabaab.