Saraakiil sare oo Al-Shabaab xalay looga dilay duqeymo ka dhacay Jubbooyinka

0

Duqeymo xoog leh ayaa xalay ka kala dhacday degmooyin ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo deegaanka Haway ee gobolka Shabeellada Hoose.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose waxaana lagu bartilmaameedsaday xero ay halkaas ku taalla oo ay ku kulansanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo sida la sheegay halkaas muxaadaro ku lahaa.

Jamaame xarunta ay duqeyntu ka dhacday waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, iyadoo waxyar kadibna hawada laga saaray isgaarsiintii degmada.

Kulanka halkaas uga socday waxaa la sheegay in Alshabaab uga arinsanayeen weerar ay la damacsanaayeen inay ku qaadaan deegaanka Baar Sanguuni oo 50 KM u jira magaalada Kismaayo xaruunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale degmada Jilib ee  gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in xalay lagu dilay xubin sare oo ka tirsnaa Al-shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Yuusuf, waxaana la sheegay in uu kamid ahaa golaha Fulinta ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale deegaanka Haaway ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa isna xalay lagu lagu dilay La-teliyihii amiirka Al-Shabaab Abu Cubeyda, kaas oo lagu magacaabi jiray Mustaf Caato, sidaas waxaa noo xaqiijoyey saraakiil ka tirsan wardoonka sirdoonka Soomaaliya.

Sida ay cadeeyeen saraakiishu howlgalladaas waxaa lagu dilay laba sarkaal iyo lix dagaalame, waxaana iska kaashada Nabad sugiida Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

La taliyihii Abuu Cubeyda Mustaf Caato  waxaa la sheegay in uu xubin firfircoon ka ahaa Al-Shabaab, iyadoo dhawaan loo ishaaray in uu u qalmo amiirka guud e Al-Shabaab, kadib kulan ay yeesheen golaha shuurada Al-Shabaab, sida ay nala wadaageen saraakiisha noo warantay ee sirdoonka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.