Duqeymo saraakiil sare looga dilay Al-Shabaab oo ka dhacay Jilib iyo Bu’aale

0

Waxaa faahfaahino dheerad ah laga helayaa duqeymo xalay ka dhacay degmooyinka Bu’aale iyo Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Bartilmaameedka duqeynta degmada Jilib ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Yaasir Jeeri oo dhawaan loo magacaabay madaxa Jabhadda Al-Shabaab ee gobollada Jubooyinka, kaas oo la beegsaday xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaallay duleedka koonfureed ee magaalada.

Sidoo kale duqeyn labaad ayaa ka dhacday degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, waxaana la sheegay in lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in lagu dilay sarkaal u qabilsanaa sameynta Filimada iyo barnaamijyada, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wardoonka sirdoonka Soomaaliya.

Saraakiilsha ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta Bu’aale lagu dilay sarkaal kale oo ka tirsanaa Iclaamka Al-Shabaab.

Dadka ku nool magaalooyinkaas ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka duqeymahaas, mana jirto cid ka madax banaan saraakiishaas, oo xaqiijin karta xubnahaas la sheegay in laga dilay Al-Shabaab.

Intii lagu guda jiray sanadkan waxaa sare u kacay duqeymaha ay diyaaradaha dagaalku ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado dagaalamayaasha Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.