RW Kheyre oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Baraawe

0

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha magaaladaas oo dhismihiisa lasoo gaba-gabeeyay.

Ra’iisul wasare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo maanta gaaray Baraawe ayaa waxaa ku soo dhaweeyey, wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa, Madaxweynaha Konnfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen  iyo mas’uuliyiin kale.

Kheyre ayaa si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Baraawe, kadib mudo seddax sano ah oo dhismihiisa lagu howlanaa, waxaana xusid mudan in mudadaas dhismaha uu ku socday garoonka xal rasmi ah laga gaaray is qabqabsi soo kala dhex galay maamulka iyo dadka deeganka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay magaalada isku geedaameen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Garoonka Baraawe oo muddo burbursanaa ayaa waxaa gacan weyn ka geystay dib dayactirka lagu sameeyey ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageera Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.