NISA oo shaacisay in madaxii amniyaadka G/Banaadir Bu’aale lagu dilay

0

Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa goor dhaw Twitter-keeda ku baahisay in xalay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay hey’adda Nabada Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in amar uu bixiyey hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye lagu xiray madaxa howlgelinta amniyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Banaadir, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee hey’adda NISA.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.