Duqeymo xalay ka dhacay Jubbada Dhexe iyo faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa duqeymo xalay ka dhacay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymahaas oo ka dhacay degmooyinka Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle lagu burburiyey illaa shan xarumood oo ay lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha noo warantay waxa ay sheegeen in degmooyinka Jilib, Saakow iyo Bu’aale duqeymahaas ka dhacay lagu burburiyey 14 gaari oo tikniko ah, waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawacyo, in kastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee Shabaab loogu geystay duqeymahaas.

Ddhanka deegaanka Salagle wararka aan ka heleyno waxa ay sheegayaan in duqeyn lala eegtay sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Caydaruus.

Saraakiisha aan la hadalnay ee ka tirsan wardoonka Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkaas magaciisa lagu soo koobay Caydaruus uu ku dhintay duqeyntaas.

Ugu dambeyntii howgalkaan ayaa waxaa la sheegay in ay iska kaashadeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Faransiiska iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.