Wasiirka arrimaha dibadda oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya

0

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex aloosan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib, haatan lagu balamay in xiisadda la qaboojiyo, labada dalka ay si dhab ah uga wada hadlaan arimaha dhex yaal.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan booqan doono dalka Kenya, isla markaana qabanqaabada safarkaas hada laga shaqeynayo.

Wasiirka ayaa ka hadlay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, waxuuna sheegay in ciidankaas ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee nabad ilaalin u joogta dalka, isla markaana ay ku joogaan rabitaanka iyo ogolaanshaha dowladda Soomaaliya.

Cawad ayaa dowladda Kenya uga mahad celiyey sida ay kaalinteeda uga qaadato la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay  ciidanka Kenya in aysan ka leexan maandheydka ay ku joogaan dalka.

Mar wax laga weydiiyey in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Kenya inay u soo gacan geliso wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo baxsad ka ah, ayaa waxa uu sheegay in booliska caalamiga ah ee INTARBOL oo ay qeyb ka tahay Kenya ay ka dalbadeen in ninkaas lagu qabto meel kasta oo uu joogo loona soo gacan geliyo dowladda Soomaaliya.

“Kenya waxaan nahay deris, waxaan u heynaa abaal weyn intey nasoo garab taagneyd, laakiin mararka qaar waxaa dhacayey faran gelin gudaha Soomaaliya ay ku sameyneysay, waxaana tusaale u ah in nin dembiyo dagaal loo heysto uu joogo gudaha Kenya, taasina ma kala qabato laba dal oo deris ah, Soomaaliyana markasta waxay ilaalineysaa deris wanaag, laakiin waxay ku qasbantahay in ay dhowrto mid nimada dalkeeda iyo dadkeeda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.