Turkiga oo balan qaaday in uusan carqaladeyn doonin xabad joojinta Idlib

0

Wasaaradda difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in aysan wax car qaladeyn ah ku sameyn doonin xabad joojintii dhawaan looga dhawaaqay gobolka Idlib ee waqooyiga dalka Suuriya.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa Khamiistii xabad joojinta ku kala saxiixday magaalada Moscow ee dalka Ruushka, kadib wadahadal qaatay lix saacadood oo dhex maray hoggaamiyaasha labada dal.

Colaada gobolka Idlib ayaa seddaxdii bilood ee ugu danbeesay waxaa ka barakacay dad ku dhaw hal milyan oo ruux.

“Waxaan sii wadi doonnaa in aan wax carqaladeyn ah aan ka ilaali doono xabad joojinta”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga ee dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ciidamadooda ay diyaar u yihiin in ay isdifaacaan, haddii wax dagaal ah lagusoo qaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.