Gaas oo goor dhaw gaaray Garowe kana warbixiyey socdaalkiisa sanad kadib

0

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa goor dhaw gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib mudo sanad ah uu ku maqnaa dalka dibadiisa.

Gaas ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garowe, waxuuna garoonka kula hadlay warbaahinta isagoo ugu horreyn ka mahad celiyey,  soo dhoweyeyta loo sameeyey.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ujeedka uu yimid Garowe uu yahay ka qeyb galka shirka 15-ka bishan lagu wado in uu ka furmo magaalada Garowe, kaas oo uu iclaamiyey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Puntland ayaa isku diyaarinaya shirka ay gogoshiisu taallo Garowe ee Madxweyne Deni uu iskugu yeeray dadka reer Puntland, si buu yiri ‘Looga tashado aayaha Puntland’.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.