QM oo war kasoo saartay khatar kasoo wajahan Ayaxa ka dilaacay Soomaaliya

0

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dalagga iyo beeraha ee FAO ayaa ka digtay in uu Soomaaliya ka kaco taranka Ayaxii dhowaan ka dillaacay dalalka bariga qaaradda Afrika, kaas oo waxyeello u geystay dhul daaqsimeed iyo beero badan.

Hay’adda FAO oo soo xiganeysa Xafiiska xiriirinta arrimaha Bini-aadam-nimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa sheegtay in Ayaxu uu haatan ka billowday gobollada Waqooyi bari Soomaliya , iyagdoo la filayo in uu kordho Todobaadyada soo socda.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin inay dillaacaan Ugxanka Ayaxa kolkii uu soo dhawaado xilli roobaadka, siiba bilaha  April iyo June, markaas oo laga yaabo in ay Koron-koradu waxyeelleyso dalagga, daaqa iyo beeraha Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.