DF oo war kasoo saartay khasaaraha ka dhashay duqeyn ka dhacday Kuunya Barow

0

War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka ee AFRICOM ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose, oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu sheegay warkan in lagu dilay duqeynta, in kastoo aan la shaacin magaciisa iyo awooda uu ku dhex lahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kuunyo Barrow oo ah deegaan gacanta ugu jira Al-Shabaab, waxayna tani noqonaysaa duqeyntii 3-aad oo ay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyaan mudo 10 maalmood gudahood ah.

28-kii bishii hore ee Febraayo, 2-dii bishan Maarso iyo 5-tii isla bishan Maarso ayey diyaaradaha Mareykanku duqeymo ka geysteen deegaankaan ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Aa
Aa

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.