Bangiga Aduunka oo lacagtii ugu horeysay ugu deeqay Soomaaliya

0

Bangiga Adduunka ayaa ugu deeqay Soomaaliya lacag gaareysa 45 malyan oo dollar, kadib markii uu gabi ahaanba deymahii lagu lahaa ka cafiyey Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre  oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in Bangiga adduunka uu ku soo shubay lacagtaas $45 milyan ah Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Lacagta baanka adduunka ka timid waxaa lagu dhisayaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka iyo in horumarin lagu sameeyo arrimaha bulshada Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Kheyre ayaa xafladaas ka sheegay in dadaal dheer ay xukuumaddisu ku bixisay dib u habeynta maaliyadda dalka, haatana Soomaaliya uu waa cusub u beryey, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu laab qaboojiyey in ay geli doonaan xilli barwaaqo ah, mar hadii laga cafiyo deymaha caalamku ku leeyahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.