Ra’iisul Wasaarihii Malaysia oo si lama filaan ah isku casilay

0

Ra’iisul wasaarihii dalka Malaysia Mahatiir Mohamed ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul wasaaranimo oo uu qabtay markii labaad sanadkii 2018-kii.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Mahatiir ayaa lagu sheegay inuu warqada is-casiladiisa uu u gudbiyay boqorka dalka xalay xilli dambe.

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay in uu is-casilay hoggaanka xisbigii uu hoggaanka u ahaa ee la yiraahdo ee Bersaatuu.

Warbaahinta dalka Malaysia ayaa baahisey in la hadal hayo in Mahatiir Max’ed uu wado qorshe uu isbahaysi cusub kula samay sanayo xisbiyo kale oo dalkaas ka jira.

Lama oga in isla isagu xafiisku kusoo laabanayo iyo in la qabanayo doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Mahatir Max’ed oo 94 sanno jir ah loona aqoon sanyahay Ra’iisul wasaaraha ugu da’da weyn  marka loo eego Ra’iisul wasaarayaasha hadda shaqeeya.

Laba goor ayuu xafiiska ku soo laabtay waana shaqsiga lagu amaano guusha dhaqaale ee uu gaaray dalka Malaysia.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.