Madaxweynaha Mareykanka oo maanta booqasho ku jooga Hindiya

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tegay dalka Hindiya, halkaas oo uu ka furi doono garoon lagu cayaaro Kiriketka kan ugu weyn adduunka oo laga dhisayo magaalada Gujuraat.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in saaxiibtimada labada dal ka dhaxeysa ay kor u qaadayso kobcinta dhaqaalaha Hindiya oo ah dalka labaad ee adduunka ugu dadka badan.

Trump waxaa uu amaanay siyaasadda Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narender Modi oo uu balan qaaday inuu taageero dheeraad ah siin doono.

Garoonka uu furay maanta Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku yaalla magaalada Gujuraat oo ka tirsan gobolka Axmedabad, waana halka uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaaraha haatan haya talada dalka Hindiya, waxuuna markiiba qaadaa garoonkan  in ka badan 100 kun oo ruux.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.