Askari ka tirsanaa ciidanka Ahlu-Sunna oo maanta lagu dilay Dhuusamareeb

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari maanta lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaas oo sida la sheegay ka tirsanaa ciidanka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Dilka ayaa sida la sheegay ka dhacay gudaha xarunta Inji oo uu ku shaqeeyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana dilka askarigaas geystay askari kale oo ka tirsan ciidamada Ahlu-Sunna.

Si gaar ah askariga geystay dilkaas ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid ahaa ilaalada wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf, oo aad uga ag dhaw hoggaanka Ahlu-sunna.

Labada askari ee mid la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu muran dhex maray, waxaana gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystay, kaas oo haatan xabsiga loo taxaabay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.