Madaxwayne Erdogan oo xaaladda Suuriya kala hadlaya hogaamiyaasha dalalka Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka.

0

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in bisha soo aadan uu lakulmi doono hogaamiyaasha wadamada Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka si uu ugala hadlo xaalada ka taagan waqooyi galbeed ee dalka Suuriya.

Halkaasi ayaana milatariga ay Moscow taageerto waxa ay dagaal kula jiraan falaagada ku kacsan dowladda Suuriya, iyadoona weerardaasi ay ku barakaceen ku dhawaad labo milyan oo ruux.

Hadalka madaxwayne Erdogan ayaa imaanaya iyadoo wasiirka difaaca Turkiga uu sheegay in hal askari looga dilay gobolka Idlib kaas oo noqonaya askarigii 16’aad oo ciidamada Suuriya ay dilaan.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ma’uusan sheegin halka uu ka dhacayo kulanka 5’ta bisha soo aadan uu layeelanayo hogaamiyaasha wadamada Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.