Soomaaliya oo saxiixday heshiis mamnuucaya faafidda gantaalada balaastikada

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay saxiixday heshiis mamnuucaya faafifa gantaalada balaastigada ee xambaara wax gumaada ee loo yaqaan Hague Code of Conduct.

Soomaaliya ayaana qayb ka noqonayso 143 dal oo horay u saxiixay heshiiskan.

Tan ayaa ah talaabo muhiim ah oo ay qaaday Soomaaliya taas oo tusaale wanaagsan u noqonayso wadamada aanan wali saxiixin heshiikan.

Sharcigan ay Soomaaliya saxiixday mamnuucayana faafida gantaalada balaastigada ayaa lameel mariyay sanadkii 2002’dii.

Waxaa dhaqan galinta Sharcigan hor boodaya taageero xooganna u hayo Midowga Yurub iyadoona 27’ka xubnood ee Midowgaasi ay dhamaantood saxiixeen heshiiskan.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya oo qayb ka noqotay heshiiskan aanan gudaha dalkeeda lagusoo saarin wax hub ah, iyadoona qalinka ku duugtay heshiiskan mamnuucaya faafida gantaalada balaastigada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.