Safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan iyo la-taliyaha koowaad oo is feeray Muqdisha-na looga yeeray

0

Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Muqdisho loogu yeeray safiirka Soomaaliya ee Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu yiri yiri “Iyadoo la tixraacayo, arrimaha aan fiicnayn ee naga soo gaaraya safaaradda aad mas’uulka ka tihiin, una dhaxeeya danjiraha iyo la-taliyaha 1-aad, ayaa waxaa la idinku wargalinayaa, in aad dalka kusoo laabataan muddo dhan 4 maalmood oo ka bilaabanaysa 21/02/2020 kuna eg 25/02/2020.”

“Haddaba, waxaa si xushamadi ku jirto la idinka codsanayaa inaad dhowrtaan ujeedada kor ku xusan, kuna timaadaan waqtiga la idiin tilmaamay gudahiisa.”

Warqadda kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu faray la-taliyaha labaad ee safaaradda Axmed Ismaaciil Xuseen in shaqada safaraddda uu sii hayo inta safiirku uu kasoo maqan yahay shaqada safaaradda.

Warar aan helnay ayaa tilmaamaya in 20-kii bishan uu dagaal gacan ka hadal ah dhex maray safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo la taliyaha 1-aad ee safaaraddaas Cusmaan Axmed Maxamed oo loo yaqaano Cusmaan Dheere.

Sida aan ku helnay xogta labada masuul ee safiirka iyo la-tliyaha koowaad ee safaaradda ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhex taagnaa muran salka ku hayey shaqada safaaradda. kaas oo ugu dambeyntii sababay in ay isku feeraan gudaha xarunta safaaradda ay masuulka ka ahaayeen.

Aa
Aa

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.