Dhageysiga kiiska Hodan Shanleyste oo mar kale dib loo dhigay

0

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Sabtiya mar kale dib u dhigtay, gar-maqalka 7 nin oo ku eedaysan Kiiska Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.

Hodan Shanlayse, waxay ahayd gabar xaas ah oo 11-kii April 2019, kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan, ayaa saaka maxkamadda ka hor akhriyay, codsi ka yimid qoyska marxuum Hodan Shanlayste, oo dalbaday in dhegaysiga kiiska dib loogu dhigo mudda 4 maalmood ah.

Qoyska ayaa codsigooda ku saleeyay, in uu maqanyahay aabbaha dhalay marxuumad Hodan Axmed Maxamed, sidaas darteedna kiiska dib loogu dhigo, inta uu ka imaanayo Shanlayste, si uu goob joog uga noqdo maxkamadda.

Guddoomiyaha Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa shaaciyay in mar kale dacwadda la dhegaysan doono maalinta Arbacada ah ee ku beegan 26-ka bishan Febraayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.