Ciidamada dowladda oo saakay gudaha u galay deegaan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay saakay ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gudaha u galeen deegaanka Daniga oo sida la sheegay ay maamulayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxayna dadka deegaanku sheegeen in gudaha deegaanka laga maqlayo rasaas teelteel ah.

Saraakiil ka tirsan kuwa milatariga dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalkaas uu yahay sidii looga hortagi lahaa weerarro ay tilmaameen in Al-Shabaab ay ka soo abaabulaan deegaankaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.