Odayaasha beesha Ceyr oo ka digay in la weeraro xarunta Inji

0

Odayaasha Beesha Cayr/Habargidir ayaa ka digay in lagu dagaalamo magaalada Dhuusamareeb, oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Hadalkooda ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb la sheegay inay wadaan qorshe ay Ahlu-Sunna uga saarayaan Dhuusamareeb.

Ciidamadaas ayaa xalay si buuxda ula wareegay dhammaan ilaha dhaqaalaha ee magaalada.

Odayaasha oo shalay ku shiray Dhuusamareeb ayaa sheegay in amniga Galmudug uu yahay mid lama taabtaan ah, oo aan gorgortan geli karin.

Waxay ka digeen in la weeraro xarunta Inji oo ay degan yihiin madaxda Ahlu-Sunna, islamarkaana laga saaro magaaladii ay usoo dagaalameen, waxayna ku baaqeen in saamigooda laga siiyo Galmudug.

“Waxaan uga digeynaa dhallinyarada in ay hubkooda u adeegsadaan dad aan ahayn kuwii loogu talo-galay in lagula dagaalo,” ayey yiraahdeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay.

Odayaasha ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay raali-gelin buuxda ka bixiso odayaashii Guriceel lagu celiyey xilli ay u socdeen Dhuusamareeb.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.