Taliye ku xigeenkii militeriga oo soo bandhigay warqad uu isku casilay laba maalin ka hor

0

Taliye ku xigeenkii ciidanka xoogga dalka Sareeya Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa caawa xaqiijiyay in xilka uu caawa ka qaaday Madaxweyne Farmaajo uu iska casilay laba maalmood ka hor oo ku asteysan 18-kii bishan.

Taliyaha ayaa sheegay in warqadda is-casilaadda uu laba maalin ka hor u gudbiyey madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu ka sugayey in laga aqbalo, balse uu caawa baraha bulshada ku  arkay xilka qadista uu ku sameeyey, taas oo uu sheegay in aad uu ula yaabay.

Taliye Bariise ayaa soo bandhigay warqadda uu ku gudbiyey is-casilaadiisa, waxaana ku xusan in sababta uu iskaga casilay xilkaas ay tahay, in uu go’aansaday, kaddib markii uu arkay marxaladda difaac ee adag oo uu dalku hada marayo iyo faragelinta siyaasadeed ee sida joogtada ah loogu hayo hoggaanka ciidanka xoogga dalka.

Hoos ka aqriso warqadda uu sheegay  Gen. Bariise in uu isku casiley laba maalin ka hor

 

Bariise
Bariise

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.