Puntland oo hakisay shaqadii shirkadaha ka shaqeeya arimaha xajka iyo cumrada

0

Maamulka Puntland ayaa si rasmiya shaqada uga hakisay dhammaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ka howlgala degaanada maamulka Puntland, inta laga hubinayo habsami u socodka shaqadooda, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday wasaaradda cadaladda iyo arrimaha diinta Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka cadaaladda, arrimaha Diinta, dastuurka iyo dhaqan-celinta ee maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa lagu hakiyay shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada.

Wasiirka ayaa ku amray shirkadahaas, in ay mudda todoba cisho gudaheed ah ay ku yimaadan xarunta wasaaradda, si loo hubiyo shaqadooda, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shirkaddii u hoggaansami wayda amarka ay soo saartay wasaaraddu.

Hoos ka akhriso

Mmm
Mmm

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.