Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Qoryooley burburiyeyna buundo muhiim ah

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saakay weerar ku qaaday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ka dhacay dagaal culus oo saacado qaatay.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Cali Waal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Shabaab-kii soo weeraray degmada ay iska caabiyeen, isla markaana ay ka dileen illaa afar dagaalame.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay burburiyeen buundada degmada oo muhiim u ah isusocodka dadweynaha iyo guud ahaan gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax oo si adag uga hadlay weerarkan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hor tageen.

Najax ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahanno badan ay ku dileen ciidanku, hubna ay ku furteen dagaalkaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidamadeena degmada qoryooley kuwaas oo difaacay shacabka degmada kana hortagay qarax baabuur la rabay in lagu burburiyo buundada degmada,waxaa shabaab looga dilay dagaalka mileeshiyaad badan waxaana looga furtay hub uu ka mid yahay qoriga BKMka waxaana hada la hayaa 3 meyd oo ay ka carareen Al-shabaab” ayuu yiri guddoomiye Najax.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.