Weriye iyo xubno kale oo loo heysto Shabaab-nimo oo maanta lagu riday xukuno culus
Maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah min 10-sano oo xabsi ah ku ridday, laba nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.
Cabdulqaadir Suufi Muunye iyo Saciid Cumar Cabbdullaahi, ayaa maxkamaddu sheegtay in ay Al-Shabaab wakiil uga ahaayeen tuulada Mareerey oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Eedeysanaha koowaad, Cabbduqaadir Suufi Muunye oo magaciisa Af-garashada lagu sheegay Amiir Gaabow, ayaa Al-shabaab ugu magacownaa horjoogaha tuulada Mareerey, halka eedeysanaha labaad lagu magacaabo Saciid Cumar Cabdullaahi uu qaabilsanaa uruurinta lacagaha ay Al-shabaab ka qaaddo bulshada ku nool tuuladaas.
Dhinaca kale, maxkamadda ayaa 8-sannadood oo xabsiya ku ridday Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa af-garashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan, kaasi oo lagu helay in uu ka tirsanaa weriyaasha Al-shabaab.