Maxay tahay sababta xilka looga qaaday Taliyihii saldhigga degmada Wadajir?

0

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyey taliyihii saldhigga Wadajir, Cabdi-baasid Maxamuud Cagey oo in muddo ahaa taliyaha Booliska degmadaasi.

Wareegto ka soo baxay xafiiska taliye Xijaar ayaa sidoo kale xilkaasi inuu qabto loogu magacaabay Siciid Cali Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.

Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan Taliye Cabdi-baasid xilka qaadistiisu ay la xariirto amni darro ka soo cusboonaatay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale xilka qaadistiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay degmadaasi laga tuuray tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo aad loo ilaaliyo ammaankeeda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.