Kulan degdeg ah oo Dhuusamareeb uga socda baarlamaanka Galmudug

0

Xildhibaanada baarlmaanka maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa uu kulan aan caadi aheyn uga socdaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kulankaas ayaa xildhibaanadu waxaa ay uga hadlayaan guddi hoosaadyo ay maalmo ka hor magacaabeen xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Guddiyada ayaa waxaa ka mid ah amniga iyo midka dhaqaalaha, sida ay noo sheegeen in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta guddoominaya kulanka baarlamaanka Galmudug, iyadoona dhamaan xildhibaanada ay maanta xaadireen fadhiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka maanta ay xildhibaanadu ku gorfeynayaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada maamulka Galmudug iyo sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka ka dhashay doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Qoor-Qoor ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.