Kenya oo la wareegtay gadiid loo weday dalal ay ku jirto Soomaaliya

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen gadiid loo soo waday gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale dalal kale oo Afrika ka tirsan.

Kenya waxa ay sheegtay in gaadiidkaas si sharci darro ah loogu gudbinayey dalalka Soomaaliya, Burundi, Sudaanta Koonfureed, Uganda, Malawi, Tanzania iyo NRC, isla markaana ay la wareegeyso gawaaridaan oo ay ku jiraan kuwo casi ah.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in 37 ruux oo kulug lahaa dhoofinta gaadiidkaan la hayo, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka ammaanka ee dalka Kenya.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu mad madow ku jiro xeriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, arinta ugu weyn ee la isku hayaana waa muranka badda, taas oo ay Kenya ku cadaadinayso Soomaaliya in lagu xaliyo wadahadal lagana soo qaado maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.