Daawo la’aan ka jirta isbitaalka Mahadaay iyo shuban biyood ka dilaacay

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe, Saalax Fuleel Xaaji oo u waramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in isbitaalka degmada ay ka jirto daawo la’aan, isagoo tilmaamay in xilligaan aysan degmada ka jirin goobo caafimaad oo lagula tacaalo bukaanada.

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay cudurro soo rita dadka deegaanka, maadaama lagu jiro xilliga kuleelaha waxa uuna sheegay in ay jiraan dad ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tuulada Mareereey, halka kuwo kalena xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Jowhar ee xarunta Hir-shabeelle.

Guddoomiye Saalax ayaa wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan Hir-shabeelle ugu baaqay in daawo lasoo gaarsiiyo isbitaalka degmada Mahadaay, oo dadka dantayar ay ku tiirsanaayeen, isagoo intaa ku daray in hadda dadka xanuunadu ay soo ritaan loola cararo magaalada Jowhar.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa hoostaga in ka badan 40-tuulo oo dhammaantood aan lahayn goobo caafimaad oo ka jawaabi kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanadaas ku nool.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.