Xildhibano shaaciyey in xal laga gaaray khilaafkii waxbarashada ee Puntland iyo dowladda dhexe

0

Xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soonaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xal laga gaaray khilaafkii dhanka waxbarashada ee mudooyinkii dambe ka dhex aloosanaa wasaaradaha waxbarashada ee maamul goboleedka Puntland iyo tan xukuumadda fedraalka Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada maamulka Puntland ayaa kulankooda ka sheegay in la xaliyey khilaafkii dhanka waxbarashada, gaar ahaan bixinta shahaadada dugsiga sare ee heer  federaalka.

Senator Saciido Xasan oo ka mid aheyd xunbaha warbaahinta la hadlay kulankaas kadib ayaa sheegtay in dadaal badan ay ku bixiyeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka taagan arintaas, isla markaana ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi farmaajo iyo xukuumaddisa, ayna ku guuleysteen in Madaxweynuhu balan qaado in ardaydaas lasiinayo shahaadada dugsiga sare ee heer federaal.

Khilaaf mudo ka taagnaa arintaan ayaa sababay in sanad dugsiyeedkii u dambeeyey ardaydii wax ku baratay deegaanada Puntland aysan helin shahaadada dugsiga sare ee ay bixiso wasaaradda waxbarashada ee heer federaal.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.