Sarkaal Al-Shabaab ah oo maanta lagu soo bandhigay Xudur

0

Ciidamada militeriga dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa saakay degmada Xudur kusoo bandhigay sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo 11 sano ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Colaad Cabdiraxmaan Xerow, waxuuna ku dhashay degmada Xudur.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka degmada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalkan soo goostay uu xiriir lasoo sameeyey, sidasna ay ku soo dhaweeyeen maamulka degmada iyo ciidamada dowladda ee ka howlgala Xudur.

Ninkan ka soo goostay Al-Shabaab oo la yiraahdo Colaad Cabdiraxmaan Xerow ayaa isna warbaahinta u sheegay in sanadihii uu ka tirsanaa Al-Shabaab uu u ahaa darawal kaxeeya gaadiidka dagaalka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.