Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo u gefay midnimada Soomaaliya

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyey khariirad yaab leh oo muujineysa Soomaaliya oo laga jaray gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Khariidaddan ayaa Abiy Axmed wuxuu Itoobiya ku muujinayaa midabka cagaaran, hase yeeshee waxaa ka muuqda Soomaaliya oo laga jaray gebi ahaan gobollada waqooyi ee Somaliland.

Waxaa la socda farriin kooban oo afafka Amxaariga iyo English-ka lagu qoray oo macno ahaan noqoneysa “Xoriyadda dalkeena, Barwaaqada dalkeena.”

Ka sokow in khariidaddan Soomaaliya laga jaray gobollada Waqooyi, haddana waxaan guud ahaanba muuqan gobollada Somaliland, oo waa meel iska maran, waxaana meel kore laga arkayaa Jamhuuriyadda Jabuuti iyo khariiradda dalka ku xiga ee Yemen.

Website-ka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa 26-kii May 2019 lasoo dhigay map ama khariidad si cad ugu xadgudubtay madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

A
A

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.