Jubbaland oo sheegtay in ciidamo ka goostay DF ay ku biireen

0

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in ku biireen qaar ka mid ah ciidamadii ay dhawaan dowladda federaalku geysay gobolka Gedo, oo ka mid ah gobollada maamul ahaan hoos taga Jubbaland.

Afhayeenka laamaha amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo u waramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay  in ciidamo iskugu jira militeri iyo boolis, gaar ahaan kuwa Haramcad ay ku biireen maamulkooda Jubbaland, kuwaas oo qeyb ka ahaa sida uu sheegay ciidamadii ay dowladda federaalka Muqdisho ka qaaday ee la geeyey magaalada Beled-Xaawo.

Afhayeenku ma shaacin tirada ciidamadaas uu sheegay in ay ku biireen maamulka Jubbaland, balse waxa uu balan qaaday in ay dib kasoo sheegi doonaan.

Ciidamadan ayuu sheegay in ay si gaar ah uga baxeen magaalooyinka Dolow iyo Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu ciidamadaas maanta ugu khudbeeyey duleedka magaalada Beled-Xaawo.

Sidoo kale afhayeenka laamaha amniga Jubbaland Cabdinuur ayaa sheegay in ciidamadaas ay ku biireen ciidamada kale ee Jubbaland oo uu sheegay in ay difaaac uga jiraan qeybo ka tirsan degmada Beled-Xaawo, halka dhinaca kalena ay uga suganyihiin ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan la geeyey gobolkaas.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.