Hoggaamiyaha Suudaanta Koonfureed oo qaaday talaabo ka farxisay mucaaradka dalkaas

0

Madaxweynaha South Sudan ayaa waafaqay inuu yareeyo tirada dowlad goboleedyada dalka, taasi oo ahayd codsiga ugu weyn oo uu mucaaradka dalbanayey si loo soo afjaro dagaalladii sokeeye oo loo dhiso dowlad loo dhan yahay.

Madaxweyne Salva-kiir iyo Madaxii hore fallaagada Riek Machar ayaa cadaadis caalami ah la kulmaya si ay u soo afjaraan meel marinta heshiiska nabadeed oo ay horay u wada gaareen.

Waxaana labada dhinac loogu baaqay kulankooda toddobaadka soo socda ay yeelanayaan inta aan la gaarin wixi ay isku fahmi la’yihiin iney xalliyaan.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaa tallaabadan ku qeexay mid xanuun badan balse ay tahay lagama maarmaan haddii ay nabad keeneyso.

Hataan waxaa la sugayaa jawaabta Riek Machar balse Hogaamiyehii hore ee mucaaradka ayaa ku adakeystay dhimista tirada gobollada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.